Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheeegay in kiiskaan uusan aheyn ku talo-gal balse uu ahaa Shil dhacay,sidaasna Gudoomiyaha lagu dilay waxaana Maanta ay Xukun ku riday Saraakiil & Askar loo heysto dilkaas, kuwaas oo uu xukunkooda u dhacay sidatan.
Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed oo lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sababo la xiriira in uu ka gaabiyay howlihii loo igmaday & baxsadka mid kamid ah ilaaladiisa, Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo 5 Sano lagu xukumay, halka min laba sano oo xabsi ah lagu xukumay, Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax, & Kulmiye Kaariye Cali.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ayaa dhamaan xukunsanayaasha waxaa ay saartay bixinta Magta oo ah diyo adag iyo sidoo kale magdhow siinta Ibraahim Abuukar  Cismaan & liibaan Xasan liiban oo shilkaasi uu dhaawac kasoo gaaray.
Ka sokoow xukunka Maanta lagu riday rag loo heystay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa waxaa Maxkamadda ay horay u siideysay Taliyihii hore ee Booliska degmada Waaberi Cabduqaadir Mooshin iyo ilaaladiisa kadib markii dambi lagu waayay.