Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Uganda

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Uganda

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in todobaadkaan gudihiisa uu safar ugu ambabaxo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Farmaajo ayaa waxaa uu Kampala uga qeyb geli doonaa Caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni oo markii lixaad oo xiriir ah ku guuleystay doorashada Madaxtinimada dalkaas.

Afhayeenka Madaxtooyada Uganda Lindah Nabusayi ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Farmaajo uu qeyb ka yahay Madaxda dalalka Afrika ee lagu Casuumay Caleemo-saarka Yoweri Museveni.

Sidoo kale Lindah Nabusayi ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qeyb ka noqon doono Madaxda ku wajahan Caasimadda Kampala, Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan safarka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku aadayo dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay Madaxtinimada dalkaas, waxaana doorashadii ugu dambeysay uu ku guuleystay Bishii Janaayo ee sanadkan 2021.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous article{SAWIRO} Taliyaashii Xalay lagu dilay Muqdisho oo Aas Qaran Loo sameeyay.
Next articleDowladda Soomaaliya oo dalbatay in La bedelo Wakiilka Midowga Afrika usoo Magacaawday Soomaaliya