Home Wararka Maanta Dalka Uganda oo xanuun Cusub Ka Dilaacay iyo Dad badan oo Durbaba...

Dalka Uganda oo xanuun Cusub Ka Dilaacay iyo Dad badan oo Durbaba u Geeriyooday

0

Dalka Uganda waxaa ka taagan walaac cusub oo laga muujinayo xanuun qeybo kamid ah dalkaasi lagu arkay, xanuunkan ayaana dadkii uu ku dhacay qaar badan oo kamid ah la sheegay in ay geeriyoodeen.

Saraakiil katirsan wasaaradda Caafimaadka dalka Uganda ayaa sheegay in xanuunkan cusub oon la garan wali lagu arkay degmada Kyotera ee gobolka dhexe, waxa ayna sheegeen in isbuucyo gudahood uu ku dhacay dad gaaraya 12-qof.

Waxa ay sheegeen saraakiisha caafimaadka in bukaannada uu ku dhacay xanuunkan uu ka soo baxay nabro maqaarka ah kuwaas oo sii kordhayay, ka hor inta aysan dhiman maalmo gudahood, bukaannada qaar ayaana la tilmaamay in ay lugaha ka barareen.

Wasaaradda Caafimaadka dalka Uganda ayaana baaritaanno ku sameysay qaar kamid ah dadkii uu ku dhacay xanuunkan, mana jiro ilaa hadda faah faahino ay wasaarada ka bixisay baarista xanuunkan ee la sameeyay.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo war cusub ka soo saartay heshiiskii shalay la gaartay Xamaas
Next articleWaa sidee Xaalada Saakay Deegaanadii ay Shalay ku Dagaalameen SSC Khaatumo iyo Soomaaliland?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here