Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo Soomaaliland iyo Puntland ku Qaaday Weerar Afka ah Runtana...

Wasiir Fiqi oo Soomaaliland iyo Puntland ku Qaaday Weerar Afka ah Runtana U Sheegay

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Puntland iyo Somaliland, isagoo u cadeeyey awoodooda dastuuriga ah, isla markaana muujiyey in culeys badan oo ka saari doono arrimaha dibadda.

Fiqi ayaa hadal ka jeediyey madal uu galabta xilka wasiirka arrimaha gudaha kula wareejiyey wasiirka cusub Cali Xoosh oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadda Xoosh uu wajahayo imtixaan adag, maadaama maamulkiisii Puntland uu maqan yahay, isla markaana uu diidan yahay in dowladda dhexe uu la shaqeeyo.

“Wasiir Xooshoow Puntland lama taataaban jirin sidii Somaliland Islaanka iyo akhyaar kale baa meel kuu fadhiya, waxaa laga yaaba inaad is leysaan waxbaa qoorta kugu jira” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay intii uu joogay xilka wasaaradda arrimaha gudaha in caqabadii ugu weyneed ay ka soo wajahday aqoonsigii SSC Khaatumo, balse uu aaminsan yahay in arrintaas ay guul taariikhi ah ka gaareen, maadaama halkaas laga dhisay maamul ku meel gaar ah.

Fiqi ayaa sheegay in dowlad goboleedyada qaar ay ku doodayaan in dastuurkii KMG ahaa ay heystaan, balse isagii xitaa ay ku xad-gudbaan oo xiriiro caalami ah ay sameystaan, taas oo aan la ogolaa doonin sida uu ku hanjabay.

“Awooda arrimaha dibadda ee dalkaan waxaa ka masuul ah dowladda federaal, nin intuu tago heshiis lama soo gali karo wadan dibadda ah, hadii dastuurkii hore lagu dhaqmayo, qodobka 54–aad ayaa dowladda federaalka siinaya awooda maamulka arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo jinsiyadda iy socdaalka,” ayuu yiri Fiqi.

Waxaa xusid mudan in Puntland iyo Somaliland oo garab maray dowladda federaalka ay heshiisyo lasoo galeen dowladda Itoobiya, taas oo weli dowladda federaalka Soomaaliya mareyn ka rabta, maadaama ay dhabarjebin weyn ku tahay.

Fiqi oo nin ad adag ah ayaa hadda noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana sugeysa maareynta siyaasad qalafsan oo Soomaaliya kala dhaxeysay wadamo ay ugu horeyso Itoobiya, intaas waxaa dheer in Soomaaliya ay tahay wadan tabar yar uu u baahan is xakameyn iyo cayaaridda diblomaasiyad heerkeedu sareeyo.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Si wayn u Maamustay Wiilkaan Soo Hooyay Guusha Cajiibka ah(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Deni Ugu Baaqay inuu Yimaado Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here