Home wararka caalamka Raisel Wasaare Boris Johnson oo is-karantiilay kadib cabsida COVID19

Raisel Wasaare Boris Johnson oo is-karantiilay kadib cabsida COVID19

0

Raysalwasaaraha UK Boris Johnson ayaa Axadii shalay bilaabay inuu is-karantiilo kadib markii xildhibaan uu la kulmay laga helay cudurka Covid19.

Xildhibaan Lee Anderson ayaa khamiistii lasoo dhaafay kulan qaatay 35 daqiiqo la qaatay, waxaana xildhibaankaasi kulankaasi kadib laga helay cudurka Covid19.

Johnson oo horey uu ugu dhacay cudurka Covid19 isla markaana isbitaal loo jiifiyey ayaa la sheegay in weli aan laga helin astaamaha cudurkan balse ay dhici karto in mar labaad uu ku dhaco cudurkaasi oo faro-ba’an ku haya dalka UK.

Dowlada Ingiriiska ayaa xayiraad la xariirta Covid19 kusoo rogtay dalkaasi kadib markii coronvirus uu si baahsan ugu soo laba kacleeyey wadamada Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here