Home Wararka Somaliya Jubbaland Alshabaabkii laga Saaray Galmudug oo Isugu Tagay Gobalka GEDO iyo Cabsi Xoogan...

Alshabaabkii laga Saaray Galmudug oo Isugu Tagay Gobalka GEDO iyo Cabsi Xoogan oo Halkaas ka Taagan

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay culeys soo saareen waddada xiririisa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay bar kontorool oo gaadiidka lagu canshuuro ka sameysteen deegaanka Geedweyne.

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay ku sugan yihiin deegaankaasi.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Shabaabka culeyska soo saaray waddadaasi ay yihiin kuwii dagaalka looga soo saaray Gobollada Dhexe.

“Shabaab waxaa lagu qaaday hawlgal ballaaran oo ay qaadday Dowladda Somaliya, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu horreyo, dhulkii muhiimka ahaa ay ka joogeen Dowlad Goboleedyada Galmdudug iyo Hirshabelle oo dhan ayaa laga qabsaday. Marka Gobolka Gedo wax dagaal ah kama uusan socon, dhaawacoodii iyo gurmadkoodii oo dhan halkan ayuu ku soo uruuray,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ciidamo u direen halka ay Shabaabku kaga sugan yihiin waddada labada degmo, balse ay waddadaasi ka taggaan, marka ay ka war helaan in ciidamada ku soo wajahan yihiin.

“Markuu ciidan maro waddada way ka taggayaan oo xogtuna way helaan markii ciidanku soo baxayaan, mana joogayaan oo laguma gaarayo,” ayuu yiri gudoomiye Macallimuu.

Waxa kaloo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidamo u dejin doonaan deegaanka Geedweyne, taas oo meesha ka saareysa joogitaankii Shabaab ee waddada Doolow iyo Luuq.

“Talis guud ayaa waxaan ka dhigan doonnaa Geedweyne, sababtoo ah waxaa la go’aansaday in talis guud laga dhigo oo ciidamo la dejiyo, mar dhowna waan ka hawlgalaynaa,” ayuu yiri guddoomiye Macallimuu.

Gudoomiye Macalimuu ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadaan qorshe la doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro guud ahaanba Gobolka Gedo.

“Annaga xagayaga hawlgalkii weli muusan bilaabanin, laakiin amarkiisa wuu baxay, mar dhow waxaan jacelnahay tallaabooyin adag in la qaadi doono, lagana waayi doono guud ahaan gobolka oo dhan, haddii Ilaahay raali ka noqdo,” ayuu yiri Macallimuu.

Waa Shabaab iyo caadadii in marka meel laga soo saaro ay goob kale culeys soo saaraan.
Ad
Previous articleNabadoon Xaad oo Shaaciyay Xiliga La Qabanaayo Ceelbuur
Next articleWar Deg Deg ah: Maxkamada Gobalka Banaadir oo Xukuno ku Riday Masuuliyiintii loo Haystay Xatooyo Xoolo Dad wayne iyo Masuuliyiinta Qaar oo lasii Daayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here