Home Wararka Maanta 10 Safiir oo la Magaacaabay iyo Golaha Wasiirada oo Ansixiyay

10 Safiir oo la Magaacaabay iyo Golaha Wasiirada oo Ansixiyay

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi MaxamedKulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Ad
Previous articleYaa ka Danbeeya Dagaalkii ka Dhacay Buurhakaba iyo Laftagareen oo Afka Furtay
Next articleTaliyaha Ciidamada Soomaaliya oo Gaaray Dalka Uganda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here