Home Wararka Maanta Shabaab oo Dagaal ku Qabsaday Deegaano Hoostaga Degmada Cadaado

Shabaab oo Dagaal ku Qabsaday Deegaano Hoostaga Degmada Cadaado

0

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Cadakibir ee kuyaala Duleedka magaalada Cadaado halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaana ku waramay in dagaal culus deegaankaasi ku dhax maray ciidamada maamulka Galmudug iyo dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana dagaal kadib deegaankaasi la wareegay dagaalyahanada Al Shabaab.

Khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu kasoo gaaray labada dhinac, lamana oga ilaa hada khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalka galabta ka dhacay deeegaanka Cadakibir.

Deegaanka Cadakibir ee Al Shabaab la wareegeen ayaa qiyaastii 55-KM u jira magaalada Cadaado, waxaana deegaankaasi horey ugu sugnaa ciidamo katirsan Galmudug gaar ahaan ciidamada daraawiishta iyo kuwa Nabad sugida.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Dalka dib ugu soo Laabtay
Next articleSawiro: Caasimada Dhuusamareeb oo Xalay lagu Qabtay Munaasibada Sanad Guuradii 15aad ee Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here