Home Wararka maanta Sawiro:- Musharax Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh oo deeq gaarsiiyay Saldhiga Gaaalkacyo

Sawiro:- Musharax Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh oo deeq gaarsiiyay Saldhiga Gaaalkacyo

0

Musharraxa Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Oo Booqasho Ku Tagay Saldhigga Booliska Gaalkacyo Gaarsiiyayna Deeq Iskugu Jirta Raashin, Dhar Iyo Xoolo.

Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Ayaa Waxaa Kusoo Dhaweeyay Saldhigga Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Ee Galmudug Qaasim Shiikhdoon Cali Iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Gaalkacyo Maxamed Gees Diir Oo Musharraxa Uga Mahadceliyay Deeqda Uu Soo Gaarsiiyay Maxaabiista Iyo Ciidanka Booliska Ee Saldhiggaasi Ka Hawlgala.

Musharraxa Ayaa U Kuurgalay Sidoo Kale Xaaladda Guud Ee Maxaabiista Ku Xiran Saldhigga Oo Uu Ku Wareejiyay Deeq Dhar Ah Wuxuuna Bogaadiyay Sida Quruxda Badan Ee Ay Ciidamada Boolisku Ula Dhaqmayaan Maxaabiista Halkaasi Ku Xiran.

Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Ayaa Ku Amaanay Ciidanka Booliska Galmudug Ee Ku Sugan Gaalkacyo Sida Ay Mar Kasta Ugu Heelan Yihiin Sugida Amniga Guud Ee Magaalada Wuxuuna Sheegay Inuu Mar Kasta Garab Taagnaan Doono Ciidamada Haddii Uu Xilka Ku Guuleystana Uu Muhiimada Koobaad Siin Doono Xoojinta Amniga Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here