Home Wararka Somaliya Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo Looga Hadlay Arima Xasaasi ah

Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo Looga Hadlay Arima Xasaasi ah

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug ahna ku-simaha madaxweynaha mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir guddoomiyey shirka golaha wasiiradda Dowladda Galmudug

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha:- amniga, adeegyada bulshadda, sare-u-qaadida daqliga, ka hortagga faafida caabuqa covid19, iyo dardargelinta howlaha xukuumadda, waxaana kasoo baxay qodobadan:-

1- Golaha wasiiradu waxay soo dhaweeyeen heshiiskii Wardheer ee dhexmaray Dowladda Galmudug iyo Dowlad Deegaan Soomaalida Ethiopia, kaasoo kuqotamay iskaashi
dhanka ganacsiga iyo amniga.

2- Goluhu wuxuu bogaadiyay Dib-u-heshiisiinta beelaha ee ka socota Galmudug, iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha la faray iney sii laba jibaarto shirarka dib-u-heshiisiinta.

3- golaha ayaa baaq u diray wasaaradda caafimaadka heer Fadaraal iyo tan Galmudugba in gargaar deg-deg ah lala gaaro deegaanada Galmudug ee covid19 si xun
u saameeyey.

4-golaha ayaa go’aamiyey in degmooyinka aan canshuurta bixin ee Galmudug ay bilaabaan canshuur bixinta 1da Abril 2021.

5- golaha wasiiradda ayaa isku raacay in la dhaqangeliyo awaamiirta ay soo saartay wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug ee ku saabsanaa qaadashada Shatiyada iyo Taargooyinka Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweynw Dani ” Shirka Farmaajo waxaan ku aragnay Baraha Bulshada, anaga Waxaa Nacasuumay Beesha caalamka
Next articleSafaarada Mareykanka oo amartay Madaxda Maamul Gobaleedyada in Muqdisho aysan ka bixi karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here