Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Dhacay Duleedka Xarardheere

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Dhacay Duleedka Xarardheere

0

Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray koox Shabaab ah oo la sheegay inay doonayeen inay soo weeraraan degmada Xarardheere.

Dagaalkii ugu cuslaa oo afar jeer la isku rogaal celiyey ayaa ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in aad loogu jebiyey kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen kooxda, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubnaha ay ka dileen kooxda ay ku jiraan kuwo ajaanib ah, isla markaana dagaalkaas uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mudug ay ku galaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, waxaan la xiriirnay dadka deegaanka, kuwaas oo noo sheegay in dagaalku uu ku soo dhawaaday magaalada, balse markii dambe la jebiyey Al-Shabaab oo khasaare badan lagu gaarsiiyey halkaas.

Sidoo kale waxaa jira khasaare culus oo soo gaaray ciidamada deegaanka, waxaana magaalada Xarardheere la keenay meydad iyo dhaawacyo badan, sida ay Mudug24 u sheegeen dad ku sugan Xarardheere.

Dhiilo colaadeed ayaa caawa ka jirta aagga magaalada Xarardheere, waxaana la isku hor fadhiyaan meel aan ka fogeyn magaalada, goor kastana waxaa la filan karaa in dagaal qarxo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ka difaacaya Al-Shabaab.

Labo urur oo ka tirsan ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah ciidamada Shabaab ka difaacaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, welina waxaa jirta ciidan yari, maadaama halkaas ay Al-Shabaab isugu geeyeen awoodooda, isla markaana ay doonayaan inay qabsadaan magaalada.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Soo Dhawaysay Qaraar kasoo baxay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay
Next articleQaar ka mid ah faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka teknoolajiyada 5G ee ay keeneen shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here