Home Wararka Maanta Ciidamada PSF ee Puntland oo Soo Gaaaray Degmada Wisil Xili Dagaal Culus...

Ciidamada PSF ee Puntland oo Soo Gaaaray Degmada Wisil Xili Dagaal Culus Alshabaab lagu Qadaayo

0

Maxey tahay Sababta ay ciidamada Puntland Special Forces ‘PSF’ ee uu tababaray Mareykanka uga qeyb qaadanayaan howlgallada lagu wado in ay ka billaawdaan degmada Wisil?.

Ciidamada PSF oo ah kuwo uu tababaray, qalabeeyay, mushaarkoodana bixiyo Mareykanka ayaa dhammaadka sannadkii 2021 galay dagaal ka dhacay Boosaaso, kaas oo dhaliyay in dowladda Mareykanka ay ka jarato mushaarkii iyo qalabeyntii joogtada aheyd.

Is qabqabsi soo jiitamay ka dib, dowladda Mareykanka ayaa dib u oggolaatay bixinta mushaarka iyo qalabeynta ciidamadaas, waxeyna go’aansatay in la hoos geeyo dowladda dhexe oo ay la howlgalaan ciidamada Danab oo ah kuwa iyaga la mid ah oo uu Mareykanka gacanta ku haayo, waxaana qalinka lagu duugay dhammaadka sannadkii tagay.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maanta amar ku bixiyay in ciidamada PSF ay yimaadan Wisil, kana qeybgalaan howlgalka ka socdo halkaas, sidaas ayeyna Wisil caawa ku tageen, xilli ay degmada Hobyo ku suganyihiin saraakiil Mareykan ah oo qeyb ka ah howlgalkan.

Arrinta ay dowladda Mareykanka ciidamada PSF u hoos geysay dowladda dhexe iyo wasaaraddeeda Gaashaandhigga ayaa ah mid aan farxad galineyn Puntland, sidoo kalena waa arrin aysan waxba ka beddeli karin, maadama ay ciidamadaas yihiin kuwo qarash iyo qalabeynba ka hela dowladda Mareykanka.

Ciidamadan PSF ayaa ahaa kuwo muddo dheer gacanta ugu jiray Ilmo Diyaano, kuwaas oo dagaal adag la galay Siciid Deni, waxaana hadda lagu biiriyay ciidamada xoogga, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Danab.

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Abaabul Dagaal oo Ka Socda Gobalka Mudug iyo Alshabaab oo inta Badan ka Baxay Deeganada Galmudug
Next articleDowlada Federaalka iyo afar dowlad goboleed oo ku heshiiyey qeybsiga deeqaha caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here