Puntland oo War kasoo saartay dilka Taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada

    0

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay dilka Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi.

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku.
    Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee ayaa ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka Madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo rag hubeysan oo ka Ganacsanayay.

    Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here