Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dowlada Imaaraadka oo qaaday tallaabo lama filaan ah...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dowlada Imaaraadka oo qaaday tallaabo lama filaan ah kadib heshiiskii Biixi iyo Abiya Axmed

0

Maamulaha Guud ee DP World Sulthan Axmed ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnin, xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee Addis Ababa.

Sulthan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa LinkedIn ku sheegay in DP World ay aad ugu faraxsan tahay inay sii qoto dheeraato wada shaqaynta labada dhinac.

“Si wadajir ah, waxaan u qaabeyneynaa mustaqbalka ganacsiga caalamiga ah, hal-abuurka, iyo barwaaqada. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqno sida ay nooga go’an tahay tayeynta Dekedda Berbera oo ah marin muhiim ah oo isku xidha gobolka,” ayuu u dhigna qoraalka Maamulka Guud ee DP World.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Iskaashigan istiraatijiyadeed kaliya ma xoojinayo xiriirka dhaqaalaha laakiin sidoo kale wuxuu u gogol xaarayaa koboc waara. Marka aynu safka hore kaga jirno isbeddelka, isbahaysiga DP World iyo Itoobiya waxay ka dhigan tahay tallaabo geesinimo leh oo loo qaaday mustaqbal ifaya oo xidhiidhsan.”

Imaaraadka oo muddo ka aamusna heshiiska ay sida weyn uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor taageero buuxda u muujisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib xiisaddii ka dhalatay is-afgaradka sharci-darrada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Khalifa Shaheen Almarar oo hogaaminayey wafdi sare oo Imaaraadka uga qeyb-galay shirka wasiirada arrimaha dibedda Jaamacadadda Carabta ee ay codsatay dowladda federaalka, ayaa laga soo saaray qaraar lagu taageerayo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa lagu yiri “Intii uu socday kulanka, wasiirka wuxuu caddeeyay taageerada Imaaraadka ee madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay in Imaaraadka ku garab taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya maamulka dowladnimo ee madax-baanida buuxda ee dhulkeeda, iyo in dalalka Carabta lagala shaqeeyo wax kasta oo ay u arkaan inay lagama maarmaan u tahay arritan.”

Si kastaba, Kulankaan iyo taageerada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa imaneysa laba toddobaad kadib markii la saxiixay is-afgaradka, iyo ayada oo uu jiray tuhun ku saabsan in Imaaraadka wax ka ogaa.

Ad
Previous articleNuxurka Khudbaddii xasaasiga aheed ee Xasan Sheekh uu ka jeediyey shirka IGAD
Next articleMareykanka oo mar kale si adag ugu hadlay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here