Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Lafta-gareen oo aqbalay inuu wadahadal la furo mucaatlradka diidan mudo kororsiga halka...

Lafta-gareen oo aqbalay inuu wadahadal la furo mucaatlradka diidan mudo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay.

0

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa aqbalay inuu wadahadal la furo mucaatlradka diidan mudo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay.

Isagoo ka hadlayay shirka dib u heshiisiinta ee Baydnabo Talaadadii ka furmay waxa uu si cad u sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed.

C/casiis Lafta-gareen ayaa tilmaamay iney ku nool yihiin xabsi 5KM ah, wuxuuna dadka dhaliilsan xasuusiyay in Shabaab ay deegaanada maamulkaasi ku hareereysan tahay, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii kooxdaasi loo dabar goyn lahaa.

“Waxa la isku haysto waxaa waaye, labo nin oo aan timo lahayn oo shanlo isku dagaalayso. Ninkii la siiyo wuxuu ku shanlaysto maleh. Marka aan timo helno, ayaan shanlada isku qabsan karnaa. Timaha aan helayno waxaa weeye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Si kastaba, waxaa maalinkii lanaad galay shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo uu shalay furay madaxweyne Xasan Sheekh, qorshaha ayaa ah sidii loo xalin lahaa dooda mudo kororsiga, Villa Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa iney ogolaatay halka sano ee loogu daray maamulkaasi

Ad
Previous articleMidowga Africa oo war Kasoo saaray in Alshabaab lagasaaray Degmooyin Waawayn ee Ka Tirsan Galmudug
Next articleMadaxweynaha Kenya oo shaaca ka qaaday xog ku saabsan dil loo qorsheeyay guddoomiyihii doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here