Kooxda Shabaab oo war kasoo saartay xil ka qaadista Xasan Kheyre

    0

    Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay isbadalka ku yimid Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kalsoonida ka weysay Golaha Shacabka BFS bilawgii todobaadkii hore.

    Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ay sheegi jireen in daacad u yihiin u adeegista dalkooda, kana shaqeynayaan horumarkiisa, balse kala taggooda uu meesha ka saaray waxa ay sheegayeen.

    Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa tilmaamay in kala qaybsanaanta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ay meesha ka saartay himilooyinkii ay ku taahmayeen.

    “Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, wadamadii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageerayay ayaa canaan la daba taagan, waliba ka shalaynaya wixii hanta iyo taageero ay ku bixiyeen” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

    Go’aanka Golaha Shacabka kalsoonida ay kala laabteen Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka waxa uu Afhayeenka Al-Shabaab ku tilmaamay mid waji cusub u yeeleysa Siyaasadda Dowladda Federaalka.

    Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku howlan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka, waxyaabaha horyaalla shaqsiga xilkaas qabanaya waxaa ugu weyn qabashada Doorashada oo waqti xileedka Dowladda uu haatan sii idlaanayo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here