Home puntland Sawiro:- Madaxweynaha Puntland oo Safar dibada u baxay Xili uu furmayo Shirka...

Sawiro:- Madaxweynaha Puntland oo Safar dibada u baxay Xili uu furmayo Shirka Dhuusomareeb

0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalanaha nahay ee Jabuuti.
 
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inta uu joogo dalka Jabuuti in uu kulamo gaar ah la yeesho masuuliyiin katirsan dowlada Jabuuti, waxa uu sidoo kale booqan doonaa xarumo kala duwan.
 
Safarka dalka Jabuuti ku aaday Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili shirkii loo balan sanaa in magaalada Dhuusomareeb ku yeeshaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaliya ka harsan tahay mudo sadex maalin ah.
 
Shirka Dhuusomareeb ayaana u muuqda mid aan qabsoomi doonin xiligii horey loogu balamaya maadaama Guddiyadii ay soo magacaabeen Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada ee ka baaran agi lahaa doorashada aysan wali kulmin.
10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here