Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo la wareegay Gooba Hor leh (Sawiro)

Ciidamada Galmudug oo la wareegay Gooba Hor leh (Sawiro)

0

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Qeybta 21aad ee ku sugan aagga Shabeelow ayaa dagaal kula wareegay fariisin cusub oo Shabaab ay ku lahaayeen aagga Shabeelow ee Koofurta Mudug.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug ayaa dagaal qorshaysan saakay ku qaaday fariisin Alshabaab ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo miinooyinka wadooyinka shacabku isticmaalo lagu dhibaatayn jirey ayadoo dagaalkaas kooxaha argagixisada lagu gaarsiiyey khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, halkaasna ay uga carareen xoolo nool iyo agab kale.

Guulaha ciidamada isgarabsanaya ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Shabaab ayaa maalin maalinta ka danbaysa soo kordhaya, halka jabka gaaraya kooxda khawaarijta ah uu sii badanayo, ayaa Lagu yiri Qoraal ka soobaxay wasaarada Amniga Galmudug.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo dalka masar u ambabaxay.
Next articleGolaha Musharaxiinta oo war ka soo saaray Kulan xasaasi ah oo ay Yeesheen (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here