Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo jawaab ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya...

Al-Shabaab oo jawaab ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ee ahaa inay qasab tahay in dalkiisa uu helo deked.

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa jawaab ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ee ahaa inay qasab tahay in dalkiisa uu helo deked.

Abiy ayaa toddobaadkii tegay ka digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay hadalka Abiy ku tilmaamtay “dib usoo nooleynaya cadaawada taariikhiga ah iyo mida diineed ee kala dhexeysa Muslimiinta Bariga Afrika.”

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in Abiy uu mar kale si aan gabbasho lahayn u muujiyey damaciisa isballaarinta ah ee ku aadan inuu ku soo luga fidsado dhul hor leh oo Soomaaliyeed.

“Iyadoo laga jawaabayo hadalka kasoo yeeray Abiy Axmad ee aan kor kusoo xusnay, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay guud ahaan Muslimiinta kunool bariga Afrika, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa inay maal iyo muruq wixii ay leeyihiin isugu geeyaan la dagaalanka nasaarada Itoobiya, kana hortagaan damacyada isballaarinta ah ee ka guuxaya maanka xabashida,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Al-Shabaab.

“Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay si cad oo aan gabbasho lahayn u diideysaa qorshe waliba oo la doonayo in Itoobiya loogu sharciyeeyo taako ka mid ah xeebaha dhulka Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka October 13, ayaa Abiy uu ku sheegay in Itoobiya ay “xuquuq dabiici ah” u leedahay inay si toos ah marin ugu hesho Badda Cas, haddii la diidana “aysan dhex-dhxaadnimo iyo caddaalad jiri doonin, haddii caddaalad aysan jirinna uu waqti un naga xigo inaan dagaalanno.”

Waxa uu soo jeediyay in dawladdiisu ay saami ka bixin biyo xireenkeeda Grand Renaissance ee Itoobiya, si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha dalalka deriska ah. 

Ad
Previous articleXubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Maantay ka Shiraaya Xaalada Soomaaliya iyo Ciidamada ATMIS
Next articleOdayaasha Koonfurgalbeed oo Sameeyey Balanqaad Ka Farxiyay Xasan shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here