Home galmudug Sawiro:- Wasiir Axmed Fiqi oo Daah-furay Masaajid loo dhisay Ciidanka ku jira...

Sawiro:- Wasiir Axmed Fiqi oo Daah-furay Masaajid loo dhisay Ciidanka ku jira Xerada indho-qaris

0
Masjidka Al-Towba oo ay maalgaliyeen jaaliyadda Yurub ee Gobolka Mudug -Galmudug ayaa maantay wasiirka Amniga Galmudug Md. Axmed Macallin FIQI uu ka daahfurey dugsiga tababarka ciidamada Daraawiishta Galmudug ee Indhaqaris.
Wasiirka ayaa u mahadceliyey jaaliyadda ka qeybgashay dhismaha masjidkaas iyo culimada gobolka ee saldhigga u ahaa fulinta mashruucaan, sidoo kale wasiirka ayaa kula dardaarmay ciidamada tababarku halkaas uga socdo In ay ka faa’idaystaan masjidka loo soo dhoweeyey iyo culimada duruusta ka bixinaysa.
Wasiirka ayaa ku Ammaanay ciidamada In codsigooda lagu dhisay masjidkaan oo qeyb ka mid ah tababarada ruuxda iyo qalbiga la siinayo, kaasoo dhamaystiraya noocyada kale ee tababarada ee ay askartu dugsigaas ku qaadanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here