Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Soomaaliland oo Madaafiic Ku Garaacay Magaalada Laasacaanood(Sawiro)

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Soomaaliland oo Madaafiic Ku Garaacay Magaalada Laasacaanood(Sawiro)

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Madaafiicda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku hoobteen, gudaha magaalada waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ilaaa ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhaawacmay duqeyntan, waxaana sidoo kale jiro dhimasho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in madaafiicdan uu ka dhashay burbur xoogan oo mar kale soo gaaray guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaalla xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib uu qarxo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaaladda, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidanada dagaalamay ee labada dhinac.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastaba, waxaa magaalada Laascaanood bishii saddexaad oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ad
Previous articleHaweeney marar kala duwan dishay 12 kamid ah saaxiibbadeed oo gacanta lagusoo dhigay
Next articleImaaraadka Carabta oo Heshiisiiyay AXmed Madoobe iyo Dowlada Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here