Home Wararka Maanta Waa sidee xaalka nin Soomaali ah oo xaafadda Islii lagu toogtay lagana...

Waa sidee xaalka nin Soomaali ah oo xaafadda Islii lagu toogtay lagana dhacay kumanaan doolar?

0

Xaafadda islii ee Magaalada Nairobi waxaa lagu toogtay nin Soomaali ganacsade ah oo lacag laga dhacayey.

Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Sabtida kaas oo lagu beegsaday nin 26 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Aadan Cali Maxamed kaas oo la toogtay lagana dhacay lacag ku dhow qiyaastii $31,000 oo doolar Xilli uu saarnaa mooto laba lugaaleey ah.

Waxa uu marayay waddo la yirahdo Martina oo ku taalla Xaafadda Islii. Ninka la sheegay in uu dhaca iyo toogashada fuliyay ayaa la sheegay inuu isagana saarnaa mooto kaas oo la sheegay in uu baxsaday dhacadada ka dib.

Aadan waxa uu damacsanaa in uu lacagta ku shubo mid ka mid ah bangiyada ku yaalla xarunta laga dukaameysto ee BBS Mall oo ku yaal xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degto, sida uu BBC da u sheegay Cumar Xuseen oo ah xoghaya guud ee gudiga ganacsatada Islii oo BBC da la hadlay.

Hase yeeshee, markii uu yimid, wuxuu ogaaday in bangigu xiran yahay. Sidaa darteed, waxaa la sheegay inuu go’aansaday inuu ku laabto guriga waxa uuna raacay mooto.

Laakiin nasiib darro markii uu soo gaaray waddada Muratina ayaa waxaa dhanka sare ka toogtay ninka saarnaa mootada.

“Markii uu soo laabtay oo uu marayo saldhigga booliska ee Islii agtiisa, ayaa … mooto kale jidka lagu hor gooyay, lacagta keen ayaa la yiri, isagana gacanta kale ayuu u wareejiyey, kadibna rasaas aya lagu dhuftay lacagtiina waa laga qaatay.” Sidaas waxaa BBC u sheegay Cumar Xuseen, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskashatada Ganacsatada Islii.

Muuqaal ay duubtay kaamarada CCTV ayaa muujinaya laba nin oo saaran mooto.

Waxaa laga shakisan yahay in ay tuugo ahaayeen ayna daba socdeen muddo, dhaqdhaqaaqiisana ka warhayeen.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa sii kordhinaysa walaaca isa soo taraya ee laga qabo amni darrada Islii, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dambiyada la xiriira mootooyinka.

Dhacdooyinka dhaca iyo rabshadaha ay ku lug leeyihiin wadayaasha mootooyinka ayaa ahaa mid ay mudaba ka cabanayeen dadka ku nool xaafadda.

Iyadoo weli ay socdaan baaritaano ku aadan falka toogashada ah ayaa dadka deegaanka loogu baaqay in ay feejignaan muujiyaan, islamarkaana ay kusoo wargeliyaan maamulka wixii ay ka shakiyaan.

Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baadi goobka tuhmanaha isla markaanay ay caddaaladda hor keeni doonaan kuwa dhibaateeyay Aadan.

Aadan oo ay rasaastu uga dhacday meel lagu qiyaasay kalxanta ayaa isla markiiba isbitaalka la dhigay waxaana sida uu maanta noo sheegay Cumar lagu wadaa in qalliin lagu sameeyo maadaama laga shakisan yahay in ay jajabeen qaar ka mid ah lafaha garabka iyo kalxanta.

Xaladdiisu waa ay wanaagsan tahay oo waa uu miyir qabaa hadda.

Xaafadda islii oo ay usoo dukaameysi tagaan kumanaan dad ah ayaa hadda isu diyaarinaysa in ay marti geliso dadka usoo adeeg doonanaya munaasabadda ciidda.

Taas awgeed guddiga ganacsatada ayaa sheegay in ay laamaha amaanka ka codsadeen in xaafadda la keeno ciidammo dheeraad ah oo amniga suga inta lagu guda jiro maalmaha u dambeeya ee Ramadaanka isla markaana ciidda loo adeeganayo illaa maalinta ciidda.

Dhawaan ayaa xaafadda laga furay suuq dukaameed weyn, kaas oo ah midka uu kasoo baxay Aadan ka hor inta aan lacagta laga dhicin isna xabbadda lagu dhufan.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu toogtay Aadan ay qiyaastii laba boqol oo mitir oo kaliya u jirto saldhigga booliska ee xaafadda oo saaran suuqa dukaameysiga BBS Mall, sida uu BBC da u sheegay Cumar.

Si kastaba ha ahaatee xaafadda Islii ayaa amnigeeda aad loo sugaa xilliyada munaasabadaha gaarka ah iyo xilliyada dibadbaxyada maadaama ay taal hanti badan oo laga cabsi qabo in la dhaco ama la boobo.

Ad
Previous articleHorjooge Horjooge Ismaaciil Xasan Oo Iskusoo Dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)
Next articleWaa kuma ninka ay Iran aad uga carootay dilkiisa ee lagu tuhunsan yahay in Israa’iil duqeyn ku dishay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here