Home galmudug Maxaa ku soo kordhay kulamo uu madaxweynaha Galmudug ka wado Muqdisho

Maxaa ku soo kordhay kulamo uu madaxweynaha Galmudug ka wado Muqdisho

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ku sugan Muqdisho maalmihii u danbeeyay waxana uu kulamo la qaatay madaxda iyo siyaasiyiinta ku sugan muqdisho wararka ugu danbeeyay ee mudug24 hesho ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kulamada ugu danbeeyay diirada ku saaray sidii loo magacaabi lahaa Raisal wasaare cusub kaasi oo shaqo feecan kala dhaxeyo maamulkiisa Galmudug.

Madaxweynaha Ayaa kulamadiisa ugu danbeeyay waxa uu sidoo kale ku lafa guray arimaha doorashooyinka oo ah qodobka ugu weyn ee xiligan xasaasiga ah.

Madaxweyne qoor Qoor ayaa la filayaa in uu maalmo dheeraad ah uu sii joogo magaalada Muqdisho ilaa inta lagaga dhawaaqo raisal wasaaraha cusub ee la filayo in dhawaan la magacaabo.

Dhanka kale Warar ay heshay mudug24 ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku wajahan yahay turkiga isagoo safarka ay ku wehliyaan madaxweynaha Somaliya mudanbe Farmaajo oo casuumaad ka helay Dowlada Turkiga.

Mudug24 Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here