Qadkii Internetka ee Koonfurta & bartamaha Somalia oo goor dhow dib u soo laabtay

Waxaa galabta abaare 5:00 galabnimo dib u soo laabtay qadkii Internetka ee koonfurta iyo bartamaha Somalia oo hawada ka maqnaa ku dhowaad 30 saacadood oo xiriir ah.

Internet la’aanta qeybo ka mid ah Soomaaliya waxay saameyn xoogan ku yeelatay adeegyada xafiisyada, shirkadaha, bangiyada, xawiladaha iyo xarumo badan oo hawlahooda shaqo ay ku tiirsaneyd adeegsiga internet-ka.

Internet-ka oo intiisa badan ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa mar kaliya go’ay shalay barqadii, waxaana la sheegay inay cilad ka dhacday dhinaca fiilada Fiber optica ee badda dhex-taalla.

Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo ka mid ah kuwa ka hawgala gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay iney cilladda ku timid internetka

“Ka dib markii dabaylo xoog badan ay ka dheceen badwaynta Hindiya, waxay saameyn ku yeesheen xarigii Internet-ka, taasoo sababtay inay cilad ku timaado”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga shirkadda Hormuud.

Meelaha ay sida ay weyn u saameysay inter la’aanta ayaa waxaa ka mid ah magaaada Muqdisho oo malaayiin qof ay ku nool yihiin kuwaasoo siyaabo kala duwan ugu tiirsan adeegan, waxaana jiray warar sheegaya in arrimo siyaasadeed ay dowladu u xirtay internetka inkastoo madaxda DF ay beeniyeen arrintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*