Dhageyso:- Shiikh Shariif oo Hal Cudsi u diray Shacabka Somaliyeed

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu shirkii jaraa’id ee maanta Muqdisho ku qabtay Arimo dhowr ah uu kusoo bandhigay.

Waxa uu sheegay Shariifka in muhiim tahay caawinaad deg deg ah in lala gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen Daadadka ka dhashay Fatahaada Webiga Shabelle.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uxusay Fatahaada Afgooye oo Beero badan ay ku baaba’een dadkii tacbadayna ay ubaahan yihiin in gurmad lala gaaro.

Sidaas oo kale waxa uu Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed Sheegay inay jiraan Fatahaad ku dhufatay Deegaano kale oo Shabellaha Dhexe iyo Jubbooyinka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*