Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Looga Digay Halis uga Imaan karta Imaaraadka Carabta...

Dowlada Soomaaliya oo Looga Digay Halis uga Imaan karta Imaaraadka Carabta Xili uu Xasan Heshiisyo badan lagalay

0

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane ayaa soo saaray qoraal uu kaga digayo dhibaato ka imaa karta heshiisyada ay dowladda federaalka Soomaaliya la geleyso dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo dalkeena dhaxal sii kara inuu cagaha la galo colaado la mid ah kuwa ka jira dalal Carbeed oo Imaaraadku uu ku eedeeyey inuu hurinayo.

“Howlaha gurracan ee Imaaraadku ka wadaan Soomaaliya ee aan xakamaynta lahayn waxay keenaysaa inay ka geystaan wadanka  wixii ay ka gaysteen dalalka Yemen, Liibiya iyo Sudan oo ay hadda hurinayaan, taas oo ina dhaxalsiinaysa rajo la’aan,” ayuu yiri C/laahi Kulane oo golaha shacabka ka tirsan.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in baarlamaanka Soomaaliya uu qaato door badbaadin ah, isla markaana la laalo heshiisyada ay galeen dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

“Si loo joojiyo falalka bahalnimada ah iyo danaha gurracan ee Imaaraatka Carabta ay ka wadaan Soomaaliya, waa in Baarlamaanka Soomaaliya uu tallaabo ka qaado,” ayuu yiri Kulane.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waa in meesha laga saaro heshiisyada Jaziiradaha Koyama iyo Chovaye, Dekadaha iyo dhammaan heshiisyada ciidan ee ku dhisan daacad-darrada, kana hortagno hubaynta maleeshiyaad iyo calooshood u shaqeystayaasha ay ka samaynayaan dalka.”

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo talada dalka looga guuleystay, mucaaradna ku ah dowladdaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa kula taliyey madaxda dalka inay dantooda ka hor mariyaan danta qaranka.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka oo baaq u diray dowladda Imaaraadka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Dowladda Imaaraatku waa in aysan ka gudbin xayndaabka shuruucda calaamiga ah.”

Ad
Previous articleNabadoon Omar Nuur Bacuuli oo lagu Dilay Muqdisho iyo faahfaahin kasoo baxaysa
Next articleMaxaa Ka Run Ah Mooshinka Suuqa Soo Galay Ee Ra’iisul Wasaare Xamze?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here