Home Wararka Somaliya Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo qaadacay shirka Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo qaadacay shirka Dhuusamareeb

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdi Cabdillaahi oo ay wehlinayeen siyaasiyiinta kaso jeeda gobolada Waqooyi qaarkood ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada muqdisho waxaa ay uga soo horjeesteen shirka Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada uga furmay Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaanoo ay garab taagnaayeen Xubno uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah faahin ka bixiyay mowqifkooda ku aadan shirka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu soo bandhigay dhowr qodob oo kala ah.

1: In Guddoomiyaha Aqalka sare uu sirasmi ah ugu wargeliyay Madaxda Heer Federaal & Heer dowlad goboleed in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo inay shirka ka qeyb-galaan, balse Madaxweynaha Galmudug uu u sheegay in uusan kujirin Madaxda lagu casuumay shirkaas.

2: in ay si adag u diidan yihiin in aan loo dhameyn ka qeyb-galka shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka maqan tahay matalaada gobolada Waqooyi ee loo yaqaan ( Somaliland).

3: in Madaxda shireysa, Ururada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in la isugu yimaado shirweyne Qaran

Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Aqalka sare uu yahay Wakiilka dowlad goboleedyada, isla markaana uu ka xun yahay in  mudada uu jiray Aqalka Sare uusan aqoonsan Madaweyne Farmaajo waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare

Ad
Previous articleShirka Dowlada Somaliya iyo Madaxda Maamulada oo ka furmay Caasimada Dhuusomareeb
Next articleBarlamaanka Puntland oo dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee badalay kuwii Xasaanada laga qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here