Home Wararka Maanta Dowlada Turkiga oo War kasoo Saartay Weerarkii lagu Qaaday Baarlamaanka Turkiga

Dowlada Turkiga oo War kasoo Saartay Weerarkii lagu Qaaday Baarlamaanka Turkiga

0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in weerar lala beegsaday meel u dhow xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Ankara Axadda maanta ah ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii subaxnimo ee waqtiga dalkaasi gaari ku yimaadeen afaafka hore ee iridda laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna qaadeen weerar Bambaano oo ay ugu yeertay “mid argagixiso ah”

“Nin ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyay kan kalena waa la toogtay” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyadoo intaa ku dartay in laba askari ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Ad
Previous articleGaari Alshabaab Qaraxyo kusoo Rareen oo Gacanta Lagu Dhigay(Sawiro)
Next articleXafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo racfaan ka qaatay xukunnadii masuuliyiintii dowladeed ee loo haystay musuq-maasuqa Xili kuwii la Fasaxay Wali Xabsiyada lagu Haayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here