Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Howlgal Qorshaysan ku Dilay Horjooge Ka Tirsan Alshabaab Hubna...

Ciidamada Dowlada oo Howlgal Qorshaysan ku Dilay Horjooge Ka Tirsan Alshabaab Hubna Kasoo Furtay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay gobolkaas howlgal culus ka sameeyeen ciidanka NISA.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob lagu tuhmayo kooxda Al-Shabaab oo ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Bariire iyo Sabiid.

Ciidamada Nabad Sugidda ayaa halkaas ugu tegay mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab, kadibna ay dileen, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladdu.

Sidoo kale qoraalkan kooban ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ninkaasi kasoo  furteen qoray AK47 ah iyo booshash uu watay.

Ad
Previous articleToogasho dad lagu dilay oo ka dhacday magaalo kutaalla dalka Mareykanka
Next articleNin warqad uu ugu hanjabayo RW Netanyahu dhigay qabriga walaalkii oo lasoo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here