Home wararka Dalka Xog Muhiim ah:- Dib u dhac ku yimid shirka Madaxda Maamul Goboleedyada...

Xog Muhiim ah:- Dib u dhac ku yimid shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ee furmilahaa

0

Sida mudug24 kasoo xiganeyso masuuliyiinta ka tirsan Galmudug ayaa waxaa dib u dhacay shirka madaxda Maamul goboleedyada oo Maanta oo Jimco ah qorsuhu ahaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uu shir gaar ah uga furmo Madaxda Shanta dowlad Goboleed ee dalka kajira,kaas oo uu marti gelinayo Maamulka Galmudug,hayeeshee waxaa la sheegay in shirkaasi uu dib u dhacay.

Wararka ay heshay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegayaan in sababata uu shirka dib ugu dhacay ay tahay in Madaxda ay isla garteen in Maanta oo Jimce ah ay nastaan,isla markaana Maalinta berito ah uu u furmo shirkooda.

Go’aanka Shirka Magaalada dhuusamareeb ilaa Beri dib loogu dhigay ataa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ka sokor dib u dhigida shirkii gaarka ahaa ee Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dibka loo dhigay ayaa waxaa jira kulama gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xubnaha kale ee la socda kuna sugan Magaalada Dhusamareeb.

mudug24 Dhuusomareeb

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here