Home Wararka Maanta Amaanka Magaalada Muqdisho oo Bisha Ramadaan Wax badan ka Duwaanaa Ramadaanadii Hore...

Amaanka Magaalada Muqdisho oo Bisha Ramadaan Wax badan ka Duwaanaa Ramadaanadii Hore iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Waxaa hoos u dhacay weeraradii ka dhici jiray bisha Ramadaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho marka loo barbardhigo Ramadaanadii hore, sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in sababta ay ugu hoos dhaceen weerarada ay tahay in ciidamada Boolisiyo militariyo oo kaashanayo ciidamada kale ay sugayeen amniga caasimadda bisha Ramadaan.

“Waxaa tobankii cisho ee ugu dambeysay magaalada ka howlgalayay ciidanka Boolisiyo militariyo oo ah militeriga sida booliska u tababaran ah kana shaqeeya dadka dhexdiisa markaas ciidankaas iyo kuwa horeyu jiray oo iska kaashanayo ayaa howlgallo magaalada ka sameynayay”

Wuxuu sheegay in sababta loo howgaliyay ciidanka gaarka ah ay tahay inay wax ka qabtaan dhacdooyinka yar yar ee amni darrada ah ee laga geysto gudaha caasimadda.

“Sababta howlgaladaas loo sameeyay waxay ahaayeen dhacdooyin yar yar iyo cabshooyin dadweyne oo dhanka amni darrada ah ah oo soo korortay, waxaa barbar socdaa howlgallo kale oo la dagaalanka daroogarada ah iyo la dagaalanka burcadda hubeysan”.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay xoojinta nabadgelyada iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka kaasoo goob joog ay ka ahaayeen dhamaan hay,adaha amniga ee dalka , waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa xeerka xakameynta hubka iyo falalka amni darro ee ka dhaca caasimadda.

“Ujeeddada shirkan ayaa ahaa in amniga caasimadda la adkeeyo iyo xasiloonida nabadgelyada guud ee shacabka ku dhaqan caasimadda maadama bisha Ramadaan ay gabaabsi tahay isla markaana amniga ilaa xad lagu soo dadaalay oo dadka si nabad ah ku soomaan, ganacsiga si nabad ah ku kala socdo wallow falal aad u yar yar ay dhaceen Ramadaankan marka loo barbardhigo Ramadaanadii hore” ayuu yiri afahayeenka booliska Soomaaliya.

Maxa sababay arrintani?

Howlgallo ciidan ayaa ka socda dhowr deegaan oo Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ah kasoo deeganadaas looga saarayo Al-Shabaab.

Cabdullaahi Aadan Xuseen (Janaraal Cirro) oo ka faalooda arrimaha amniga Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wadashaqeynta shacabka iyo ciidamada ay horseeday inay hoos u dhacaan dhibaatooyinkii amni darrada ahaa.

Wuxuu intaa ku daray in howlgallada ay waddo dowladda iyo xakameynta hubka ay sababatay sugidda amniga caasimadda.

“Midna waxay ka timid shacabka midna xagga dowladda heer gobol iyo heer federaal waxay qaateen go’aan saxan oo ah in dib u habeyn ay ku sameeyaan amniga caasimadda , ciidan ahaan iyo hoggaan ah iyo tallaabada la qaadayaba iyo shacabkii oo u adkeysan waayay dhibaatada amni darrada oo hadda u diyaar garoobay inay ciidamadooda wax la qabtaan”.

“Howlgalladii ay sameeyeen ciidamada xoogga ayaa horseeday inay hoos u dhacdo awoodda Shabaab iyo tallaabooyinka ay dowladda soo saartay ee lagu xakameynayo hubkii iska yaacayay Muqdisho waana go’aan fiican oo aan qof gaar ah hubka loo fasaxeynin”.

Dowladda Soomaaliya waxay ku howlan tahay dadaallo ay kula dagaallameyso ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab xilli qaar kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallao ka dhanka kooxdaas.

Soomaaliya waxay waddaa qorshe ay amniga dalka ugala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, Madaxweynaha ayaa horey u tilmaamay in ay ka go’an tahay in amniga dalka ay kala wareegaan Atmis dabayaaqada sanadka 2024-ka.

Howlgallada socday dhowrkii bilood ee u dambeeyay waxaa Al-Shabab lagala wareegay dhul ballaaran oo muddo badan ay ka talinayeen.

Ad
Previous articleHaweeney ninkeeda ku dacwaysay inuu geyn waayey Xaramka iyo furiin dhacay
Next articleBooliska oo 5 sarkaal oo Musuq Layaab ley Kawada ku qabtay garoonka Muqdisho kadibna xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here