Home wararka caalamka Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Adis Ababa iyo xaalada...

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Adis Ababa iyo xaalada oo kasii dareysa

0

Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi saakay uu ka dhacay qarax sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Booliiska magaalada Adis Ababa ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen dad gaaraya 8-qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen, ma sheegin booliiska in la qabtay dadkii ka dambeeyay qaraxan ka dhacay Adis Ababa.

War kasoo baxay booliiska Itoobiya ayaa lagu sheegay in tirada dadka ku dhintay rabshadaha ka socda Adis Ababa  iyo magaalooyin kale ay dhaafeen 80-qof oo u badan shacab sidoo kale ku jiraan askar iyo saraakiil booliis.

Xaalada magaalada Adis Ababa ayaa kasii dareysa oo xaalad adag gashay, waxaana magaalada ka dhacaya qaraxyo iyo sidoo kale rabshado xoogan ay dhigayaan dhalinyaro u badan kuwa kasoo jeeda Qowmiyada Oromada oo ka careesan dilka Fanaanka.

Dadka banaan baxyada dhigaya ayaa sidoo kale dalbanaya in xabsiga laga sii daayo Jawar Maxamed oo ah hogaamiye shacbiyad badan ku dhax leh Qowmiyada oromada horseedna u aha aisbadalkii ka dhacay Itoobiya.

Dowlada itoobiya ayaa jartay adeega Internetka si ay uga hortagto in baraha bulshada uga sii daraan xaalada cakiran, waxaana magaalooyinka waa weyn lagu daad gureeyay ciidamo badan oo milatari ah.

Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Adis Ababa ayaa kusoo aadaya xili fanaankii geerdiisa sabbatay rabshadaha ka socda Adis Ababa lagu aasayo magaaladii uu ku dhashay,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here