Home Wararka Maanta Ingiriiska oo ka hadlay mowqifkiisa heshiiskii is-afgarad ee lagu saxiixay Addis Ababa

Ingiriiska oo ka hadlay mowqifkiisa heshiiskii is-afgarad ee lagu saxiixay Addis Ababa

0

Heshiiskii is-afgarad ee dhex maray dalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxa uu dhaliyey hadal hayn badan.

Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskaas ku saabsan deked ay Itoobiya hesho iyo aqoonsiga Somaliland, waxaa isasoo tarayey falcelinneda ka imanayey qaar ka mid ah waddammada beesha caalamka iyo gudahaba.

UK ayaa kamid ah dalalkii ugu dambeeyay ee ka falceliyay heshiiskaas is-afgarad isla markaana cadeeyay mowqifkooda aaddan arrintan.

Waxay shaacisay in ay ka walaacsan tahay xiisadaha ka cusboonaday geeska Afrika, isla markaana ay ixtirimaanayaan midnimada Soomaaliya, sida ay baahisay saafaradda dalkaas ee Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda UK ayaa sidoo kale dhinacyada ay khuseyso ugu baaqfay in khilaafkooda si nabadeed u xalliyaan.

Ad
Previous articleQaabkee ayuu u Dhacay Dilka Horjoogihii Badda ee kooxda Al-Shabaab oo Magaalo Alshabaab maamulaan oo ku taal Mudug lagu dilay?
Next articleTurkiga oo Go,aan adag ka Qaatay xad gudubka Itoobiya kula kacday Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here