Home wararka caalamka Taliyaha booliska Atlanta oo iscasilay kadib toogashada Rayshard Brooks

Taliyaha booliska Atlanta oo iscasilay kadib toogashada Rayshard Brooks

0

Taliyaha booliska Atlanta ayaa iscasilay kadib dilkii foosha xumaa ee loo gaystay nin Mareykan ah xili la qabtay.

Rayshard Brooks, oo 27 jir ah, waxaa toogtay sarkaal xilli uu ku dhex hurday  gaarigiisa banaanka goob makhaayad ah oo baabuurta la dhigo galabnimadii Jimcaha.

Sabtidii ayaa mudaaharaadayaashu waxay dab qabadsiiyeen maqaayadda Wendy halkaas oo ay ka dhacday toogashada iyadoo taliyaha booliiska Erika Shields uu ku wareejiyay iscasilaadiisa sabab la xiriirta dilka

Mr Floyd, oo sidoo kale ah Mareykan, ayaa dhintay ka dib markii sarkaal cadaan ah uu qoorta kaga istaagay ku dhawaad ​​sagaal daqiiqo. Dhimashadiisa waxay dhalisay caro baahsan oo ka dhan ah cunsuriyadda iyo naxariisdarrada bilayska.

Mid ka mid saraakiisha Atlanta booliiska ee ku lug leh toogashadii ugu dambeysay, Garrett Rolfe, ayaa la ceyriyay, kan kalena, Devin Bronsan, ayaa la galiyay waajibaad maamul.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here