Home wararka caalamka Maxkamad Go’aan Ka Gaartay Qofkii Bedeli Lahaa Madaxweynihii Burundi

Maxkamad Go’aan Ka Gaartay Qofkii Bedeli Lahaa Madaxweynihii Burundi

0

Maxkamada ugu sareysa dalka Burundi ayaa soo saartay go’aan looga gol leeyahay in lagu so afjaro marnaan dhanka awoodda ah oo ka dhalatay geeridii lama filaanka ahayd ee Isniintii ku timid madaxwayne Pierre Nkurunziza.

Maxkamada dastuuriga ee dalkaasi ayaa sheegtay in Madaxwaynaha la doortay Evariste Ndayishimiye xilka loogu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sharci ahaan, afhayeenlka baarlamaanka dalkaasi, Pascal Nyabenda, ayay ahayd in uu noqdo hogaamiyaha kumeelgaarka ee dalkaasi.

Balse golaha wasiirada dalkaasi ayaa arrintan u gudbiyay maxkamadda islamarkana Mr Ndayishimiye ayaa imika noqonaya madaxwaynaha labo bilood ka hor xilligii ay ahayd in uu xilka la wareego. Waxaa xilka madaxwaynanimada loo doortay bishii May si uu u badalo Nkurunziza, oo xilka hayay muddo 15 sano ah.

Garsoorayaasha maxakamada dastuuriga ee dalka Burundi ayaa waxay sheegeen in xilliga kumeelgaarka ee ay tahay in uu xilka qabto afhayeenka baarlamaanka ay ahaan lahayd marka doorasho cusub la qabanayo, balse imika uu joogo madaxwayne cusub oo la doortay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here