Home wararka caalamka Dowlada Kenya oo gudi u magacowday furitaanka goobaha Cibaadada Dalkaasi

Dowlada Kenya oo gudi u magacowday furitaanka goobaha Cibaadada Dalkaasi

0

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Dr. Fred Matiang iyo dhigiisa caafimaadka Mutahi Kagwe ayaa si wada jir ah u magacaabay guddi diimeed kaas oo ilaalin doona wajiyada dib u furitaanka goobaha cibaadada.

Tani ayaa ka danbeeysaa amarkii uu soo saaray madaxweeyne Uhuru Kenyatta sabtidii la soo dhaafay.

Magacaabista ayaa daba socota wada tashiyo ballaaran oo ka dhexeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadda Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka oo ay la yeesheen hoggaamiyeyaasha diimaha kala duwan iyada oo ujeedkeedu yahay in la soo saaro tallaabooyin lagu ilaaliyo tallooyinka caafimaadka marka dib loo furo goobaha lagu cibaadaysto.

Goluhu ayaa kormeeri doonaa goobaha cibaadada si loo waafajiyo talaabooyinka xakamaynta ee ay dawladdu dejisay si loo xakameeyo faafida cudurka COVID-19 dalka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here