Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka ahaa ee ay dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka ahaa ee ay dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii  ay isku dayday inay ka baajiso shirkii Midowga Afrika iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay wafdiga uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku boggaadiyay sida uu uga jawaabay falkaasi, wuxuu sidoo kale u mahadceliyay madaxweynaha Jabuuti oo garab istaagay Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale xusay in Abiy Axmed uu weerar ku yahay dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu rabo inuu ka sameysto waxa uu rabo.

“Habdhaqanka caynkaan ahi waxuu tilmaan ka bixinaya kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed. Abiy Soomaaliya wuxuu u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdihakuur Warsame.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:

Waxaan canbaareynayaa falka gurracan ee curfiga diblomaasiga ka baxsan ee uu maamulka Abiy Axmed kula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Dawladda Itoobiya waxay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika ee martigelinta xarunta Midowga ee dhigaya in ay dhowrto habmaamuuska iyo xasaanadda madaxda dawladaha Midowga iyo wufuuddooda.

Inkastoo aysan ila qumanayn in Madaxweynuhu u safro Addis Ababa, haddana wuxuu ku ammaanan yahay sida uusan nugayl ugu muujin daandaansiga iyo takoorka diblomaasiyadeed ee ay dawladda Itoobiya kula kacday iyo sida uu ugu adkaysanayo difaaca gobbonimada dalka iyo madaxbannaanidiisa. Waxaa mahad wayn mudan Madaxweynaha Dawladda Jabuuti oo garab istaagay Dawladda Soomaaliya, muujiyeyna hiil-walaaltimo.

Habdhaqanka caynkaan ahi waxuu tilmaan ka bixinaya kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed. Abiy Soomaaliya wuxuu u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda.

Shiinaha waxay dhahaan dhibku (crisis) waa seef labo afle ah, in aad cashar ka qaadato oo ay ku noolayso, ama in aad wax ka baran waydo oo ay ku wiiqdo. Allaha nagu duwo tan hore.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar ku Qaaday Degaano Dhawaan laga Saaray iyo Ganacsato Sabab yaab leh loogu laayay halkaas
Next articleSoomaali ka yimid Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerarayo New York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here