Home Wararka Somaliya Magaalada Laascaanood oo Rabshado ka Socdaan Maanta, Dad Shacab ah oo lagu...

Magaalada Laascaanood oo Rabshado ka Socdaan Maanta, Dad Shacab ah oo lagu dilay

0

Xaaladda Magaalada laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa kacsan maalintii Saddexaad , halkaas weli dibad baxyo ay ka socdaan, kaas oo ay dhigayaan qaar kamid ah Shacabka Magaalada.

Dadka bannaabaxa dhigaya ayaa cabasho ka ah dilalka qorsheysan ee mar walba ka dhaca magaalada laas-Caanood, iyada oo Somaliland aysan waxba ka qaban dilalkaas.

Bannaanbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada laas-Caanood ayaa waxaa Ciidamada Somaliland rasaas ay fureen ku dhintay in ka badan 5 Ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda Magaalada laas-Caanood ayaa kacsan Maalintii Saddexaad, waaana xiran dhammaan Goobaha Ganacsiga ee Magaalada laas-Caanood kadib marki ay sameeyeen bannaanbaxyada.

Ad
Previous articleWaa Tan sababta ay Puntland u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay inay saxiixaan
Next articleDowlada Ruushka oo Diyaarado Dagaal ugu Deeqday Dalka Iiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here