Home wararka Dalka Wararkii ugu dambeeyey shacab ku dhamaaday qaraxii ka dhacay Baydhabo

Wararkii ugu dambeeyey shacab ku dhamaaday qaraxii ka dhacay Baydhabo

1

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, ku dhowaad 20 kalena wey ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla duleedka Woqooyi ee magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxu qabsaday goob ay ka socotay damaashaad la xiriira ciida oo ay sameynayeen barakacayaasha xerada ku nool qaarkood gaar ahaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

“Farxadii iyo damaashaadkii ka jiray goobta ayaa mar kaliya isku rogay, qeylo, meydad daadsan, dhaawacyo barooranaya iyo baliyo dhiig ah oo qulqulaya, weji argagax leh ayeyna goobtii isku bedeshay” ayuu yiri goob jooge ku sugnaa meel ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay oo la hadlay warbaahinta.

Dad geeriyooday ayaa waxaa ku jiray labo caruur ah oo da’doodu ka hooseyso 10 jir sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Somalia oo intaas ku daray in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu aad u liidato, lagana cabsi qabo in dhimashadu sii kororto.

Inkastoo an weli si rasmi ah loo xaqiijin nooca uu ahaa qaraxaas haddana wararka qaar ayaa sheegaya in loo adeegsaday miino goobtaas ku aasneyd, waxaana baaritaano wada ciidamada amaanka.

Ma jiro cid sheegatay qaraxan, balse qaraxyada noocan ah ayaa looga bartay kooxda Al-shabaab ee dagaalka adag kula jirta dowlada Somalia iyo maamulada hoostaga, walow aaney cadeyn ujeedada laga lahaa qaraxan lala beegsaday shacab iska damaashadayay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. Alle ha u naxariisto inta ku dhimatey Qaraxaasi arxandaradd ah. waqtigaani looma baahna in shacab Soomaaliyeed ay u dhintaan Qarax iyagoo awalba la daalaa dhacayay Abaaro, gaajo, Macluul, Daadad iyo fatahaadyo webi iyi musiibooyin kaloo tiro badan.

    Waa in wax laga qabto, tal waarana laga gaaro dhibaatadda ka dhalato walxaha Qarxo, majirto wax qiimo badan nafta beni’aadamka. nafta oo si aan sharci waafaqsaneyn loo gooyana alle agtiisa waa dambi weyn.

    Alle umadda Soomaaliyeed xaqa ha ku sugo hana ka dulqaado culeyska. dalka nabadeyntiisa maahan wax iska imaanaayo waxaa loo baahan yahay wa in nabadgelydda la maalgeliyo, lagana shaqeeyo horumarinta amniga dalka.

    waaad mahadsantihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here