Home galmudug Dagaal Kooban oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Dagaal Kooban oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Iyadoo maant ay tahay maalin Ciid ah ayaa wararka laga helayo dhanka Saldhiga Degmada Gaallacyo waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban kadib markii rag hubeysan ee weerar ku qaadeen saldhiga waxaana ka dhashay khasaaro kooban.

Dagaalka oo socday Daqiiqado kooban ayaa joogsaday waxaana Booliska Degmada uu bilaabay baaritaanka Dagaalka iyo dadka soo qaaday.

Inta la Xaqiijiyay 2 Qof ayaa ku dhimatay Dagaalka halka ay jiraan dadka ku dhaawacmay waxaana hada istaagtay xabada socotay.

Marar badan ayaa saldhiga waxaa soo weeraray Dad kasoo horjeeda sida Maamulka uu u maareeyo Shaqaaqooyinka dhaca.

Wixii ku soo kordha lasoco

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here