Home Wararka Maanta Kulankii labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay kadib...

Kulankii labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay kadib weerarka Villa Rosa

0

Kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriirka lagu qaaday Hoteel Villa Rosa oo u dhow Madaxtooyada Qaranka.

Qoraal kasoo baxay guddoonka sare ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dib loo dhigay, kaasi oo uu ajendihiisu ahaa ka doodista miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoonka oo farrintaan u diray dhammaan xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay inuu dib kasoo sheegi doono xilliga uu dhacayo kulankan oo ah mid muhiim ah

“Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga” ayaa lagu yiri woraal kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka.

Weerarka Villa Rosa oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa la xiriiroyey baaqashada kulankan, maadaama uu weli howlgal ka socdo aaga Madaxtooyada oo ah halka la eegtay.

Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Saakay ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo
Next articleGanacsata Soomaalida Islii oo ka hadlay askari Soomaali ah oo loo haysto dad uu laayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here