Home puntland Sawirada:- Qaraxii lagu dilay Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland

Sawirada:- Qaraxii lagu dilay Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland

0

Waxaa maanta qarax ismiidaamin ah lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur, waxaa sidoo kale qaraxan lagu dilay qaar kamid ah ilaalada gudoomiyaha la dilay.

Qaraxan ismiidaaminta ah ee  lagu dilay Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa ahaa mid aad u culus oo bur buriyay gaarigiisa, qaraxan ayaana ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Gaalkacyo.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda bur bur, waxaana goobtaasi yaala baabuur qaraxa ku gubutay iyo sidoo kale mooto bajaaj, walina si cad looma xaqiijin ruuxa qaraxa fuliyay waxa uu u adeegsaday qaraxaasi.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here