Home puntland Qarax xoogan oo lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntiland oo ka...

Qarax xoogan oo lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntiland oo ka dhacay Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan xoogan ayaa lala beegsaday Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur (Daba-kariix), waxaana wararku sheegayaan in qaraxa ku dhinteen Gudoomiyaha iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu dilay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ka dhacay  xarunta gobolka mudug ee Puntland, waxaana wararku sheegayaan in uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay ayaa la sheegay in uu kasoo baxay shir uu xarunta gobolka kula lahaa laamaha amanaka, lamana oga ilaa hada masuuliyiin kale oo qaraxan khasaaro kasoo gaaray.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco wararkayaga dambe Indha Allah

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here