Home Wararka Somaliya Puntland Mucaarad Puntland oo ka hor yimid wareegto uu soo saaray Saciid Cabdullah...

Mucaarad Puntland oo ka hor yimid wareegto uu soo saaray Saciid Cabdullah Deni

0

Guddoomiyihii hore ee guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn waqtiga uu madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullahi Deni u asteeyay inay ku dhacdo doorashada golayaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

Guuleed Saalax Barre, oo haatan kamid ah mucaaradka madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in wax badan ay ka dhiman yihiin hawlaha diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashada.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii wareegto madaxweyne Saciid Deni uu shalay soo saaray ku sheegay in 25-ka May ay dhici doonto doorashada golayaasha deegaannada Puntland, taas oo ay hore u qaadaceen qaar kamid ah ururrada mucaaradka.

Haddaba Guuleed Saalax Barre ayaa waxa uu ku diiddan yahay wareegtadaas waxa uu uga warramay weriyaha BBC-da Faadumo Macallin Abuukar.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo si degdeg ah looga saaray teendhada Afisyooni kadib markii…..
Next articleMasaajida Magaalada Gaalkacyo oo lagu Soo Rogay Awaamiir Culus kadib Dilal Badan oo La dhacay Halkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here