Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dadkii u badnaa oo ku dhintay Markab ku degay...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dadkii u badnaa oo ku dhintay Markab ku degay Jabuuti

0

Markab ay saarnaayeen muhaajiriin u dhalatay dalka Ethiopia ayaa ku degey xeebaha dalka Djibouti, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo baaxad leh.

Shilkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey 22 qof oo ka mid ahaa dadkii markabka qalibmay saarnaa.

Markabkaas ayaa ka baxay dalka Djibouti, isagoo u socday dalka Yemen oo deris la ah Jabuuti, wax yar kadib markii uu shiraacday ayuu shilkaan dhacay.

Jabuuti waa marinka ugu weyn oo ay sii maraan muhaajiriinta ka tegeya dalalka Geeska Afrika ee doonaya inay gaaraan wadamada Khaliijka.

Marinkaan Jabuuti ilaa Yemen ee badda Cas ayaa ah mid aad u halis badan oo muhajiriinta isticmaalaya ay la kulmaan tacadiyo badan iyo shilal halis ah.

Tan ugu daran waa in lacago badan laga qaado, la afduubo, xabsiyo la dhigo ama si khasab ah loogu shaqaysto.

Hadii ay ka gudbaan Yemen iyo halista badda Cas, waxaa hadana ku adkaatay inay gudaha u galaan wadamadii ay u hayaameen ee Khaliijka oo Sacuudigu uu ugu horeeyo.

Tacadiga ay kala kulmaan marinka Yemen hadii ay naftooda kala badbaadaan waxaa muhaajiriinta ka baxda geeska Afrika oo Itoobiyaanka iyo Eritreyaan u badan ay la kulmaan tacadi kale oo inay ka gudbaan ay adag tahay.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Dowlada Soomaaliya oo xog cusub ka bixisay khilaafka kala dhexeeya Itoobiya iyo qorshaheeda
Next articleSidee looga Ciiday Maantay Meel badan oo ka Mid ah Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here