Home Wararka Maanta Nin Doonaayay inuu Gubo Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa oo Ciidamada Amaanku Gacanta Ku...

Nin Doonaayay inuu Gubo Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa oo Ciidamada Amaanku Gacanta Ku Dhigeen

0

Ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa inay saaka gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ninkaasi laga qabtay isaga oo wata dab iyo basiin, isla markaana hortaagan gurigiisa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in soo qabashadiisa iyo ka hortaga falkaasi ay ka shaqeeyeen dadka deegaanka oo soo wargeliyay ciidanka ammaanka ee degmada.

“Saaka dhacdo kale ayaa jirto nin ayaa degmada Afgooye wuxuu isku dayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, gurigoodii isaga oo hortaagan oo dhibaatadaas inuu gaysta rabana ayaa hay’adihii amniga lala soo wadaagay, kadibna la qabtay” ayuu yiri Barre.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Wuxuu watay marka la qabanaya Taraqii iyo Shidaalkii uu ku gubi lahaa gurigiisa”.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyigelin, maadaama ay dhacdooyinka kusii badanayaan guud ahaan Soomaaliya.

“Dhacdooyinka way soo bateen marka Ummadda wacyigelin aad iyo aad u wayn ayay u baahan tahay, culimada inay u istaagaan arrintaasna wax laga qabto” ayuu kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay in baaris madax bannaan lagu sameeyo falalkan iyo cidda ka dambeysa, si looga ogaado waxa isku soo beegay dhacdooyinkan.

“Waxaan ku talinayaa in baaritaan lagu sameeyo falalkan iyo cidda ka dambeysa, annaga haddii aan nahay maamulka Shabeelaha Hoose arrintaas waan bilaabeynaa, baaritaankeedana waa socdaa” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Dhowaan ayay ahayd markii degmada Qoryooley uu nin watay mindi ku gowracay xaaskiisa, kaas oo gacanta lagu soo dhigay, waxaa sidoo kale ka horreysay dhacdo kale oo ka dhacday Muqdisho, kadib markii nin la sheegay inuu maseeray uu xaaskiisa ku gubay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay baadi goobayaan laamaha amniga.
Ad
Previous articleMaxaa ka jira in ciidamada DF ay kasoo baxeen Ceeldheer?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Xiisada Bada ee Itoobiya Iyo Soomaaliya Xili Itoobiya War Hor leh Soo Saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here