Home Wararka Somaliya Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya iyo wefdi la socda oo Muqdisho lagu soo...

Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya iyo wefdi la socda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

0

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay laguna soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dowlada Kenya Raychelle Omamo, iyo wefdi ay hogaamineysay.

Wefdiga ka socday dowlada Kenya waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya uu ugu horeeyo Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Raychelle Omamo , ayaa inta ay joogto magaalada Muqdisho kulamo kala duwan la qaadan doonta Wasiirka arimaha Dibadad Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxa ayna kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay Muqdisho ku timaado wasiirka arimaha dibadda dowlada Kenya, waxa uuna safarkan kusoo aadayaa xili uu soo hagaagayo xiriirka u dhaxeeyay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ad
Previous articleDowlada Sacuudiga oo Cumrada u furay Muslimiinta caalamka iyo hal Shardi oo lagu xiray
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo qaabilay Wasiirka Arimaha dibada Kenya {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here