Home Wararka caalamka Caalamka:- Xaalada cudurka Coronavirus ee dalka China oo War wanaagsan laga soo...

Caalamka:- Xaalada cudurka Coronavirus ee dalka China oo War wanaagsan laga soo saaray

0

China ayaa ku warrantay in maalinkii shanaad oo xiriir ah aan gudaha dalkaas laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xiriira cudurka Coronavirus ee caalamka kusii fidaya, kaasi oo markii hore kasoo billowday dalkaas.

Waxay sidoo kale sheegtay in tirada kiisaska la diiwaan geliyey ee dadka ka imanaya dibedda ay maanta hoos u dhacday.

China ayaa Axaddii xaqiijisay 39 kiis oo Coronavirus ah, taasi oo ka yar 46-kii la diiwaan geliyey maalin ka hor. Dhammaan kiisaskaas ayaa ah dad dibedda kasoo safray oo badankood ah arday Shiinees ah oo dalka kusoo laabanaya.

Dhinaca kale magaalada caasimadda ah ee Beijing ayaa sare u qaadday tallaabooyinka lagu xakameynayo fayruska loo soo dhoofiyo, ayada oo dhammaan diyaaradaha caalamiga ah ku amartay in laga billaabo Isniinta ay u weecdaan magaalooyin kale, sida Shanghai iyo Xian, halkaasi oo rakaabka ay ku mari doonaan tijaabo.

Beijing ayaa diiwaan gelisay 10 kiis oo ah Coronavirus ay qabaan dad dibedda ka yimid, sida uu sheegay Guddiga Qaran ee Caafimaadka, taasi oo ka yar 13-kii la diiwaan geliyey maalin ka hor.

Guddiga Qaran ee Caafimaadka ma sheegin dalalka ay rumeysan yihiin inay ka yimaadeen dadka qaba Coronavirus, hase yeeshee mas’uuliyiinta Beijing ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen kiisaska dad ka yimid dalalka Spain, Britain, France, Mareykanka iyo Pakistan.

Tirada guud ee dadka uu xanuunka ku saameeyey dalka China ayaa Axaddii aheyd 81,093, halka tirada dhimashada ay taagan tahay 3,270.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here