Home wararka Dalka Dowlada oo si KMG ah u fasaxday Duulimaadyada Caalamiga iyo Hal Sabab...

Dowlada oo si KMG ah u fasaxday Duulimaadyada Caalamiga iyo Hal Sabab oo keentay

0

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa 18-kii bishan joojisay in dalka yimaadaan kana dhoofaan diyaaradaha caalamiga ah, waxaana go’aankaasi dowlada uga hortageysay in cudurka Caronavirus dalka soo galo.

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo gaareen cabashooyin ka yimid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran garoomo diyaaradeed oo caalami ah.

Wasaarada ayaana sheegtay in la go’aamiyay in la fasaxo labo maalin diyaaradaha ka imaanaya dalka dibadiisa si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada caalamiga ah dalka u yimaadaan kuna soo degaan garoomo cayiman.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here