Home Wararka caalamka Caalamka:- Dowlada Sacuudiga oo Dadka ajaanibta ka joojisay in Cumro u tagaan...

Caalamka:- Dowlada Sacuudiga oo Dadka ajaanibta ka joojisay in Cumro u tagaan Dalkeeda

0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay amar ajaaniibta looga mamnuucayo in cumro u yimaadaan dhulka Barakeesan xili uu qaar kamid ah wadamada caalamka uu ku faafayo cudurka halista ee Caronavirus.

Malaayiin muslimiin ah ayaa sanad kasta Sacuudiga u taga in ay soo cimreestaan, waxaana inta badan dadka cimrada u taga Sacuudiga ay dalkaasi tagaan marka la gaaro Bisha Ramadaan oo hada ay ka dhiman tahay wax ka yar 2-bil.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka cabsi qabta in dalkeeda soo gaaro cudurka halista ah ee Caronavirus, waxaana Sacuudiga si gaar ah dalkeeda uga mamnucday wadamada laga helay cudurkaasi.

Qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa gaaray cudurka Caronavirus uu markii ugu horeeyay ka dilaacay dalka Shiinaha, waxaana hada laga cabsi qabaa in cudurkaasi uu gaaro wadamo hor leh oo caalamka kuyaal.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here